Dowladda Federaalka oo Daahfurtay Buundada Sabiid iyo Caanoole ee Dib loo Dhisay

Sabti, December 6, 2025 (HOL) - Wasiirro ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qeybgalay munaasabad si rasmi ah loogu daahfuray buundada dib loo dhisay ee Sabiid iyo Caanoole, oo ku taalla gobolka Shabeellaha Hoose, gudaha Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed.

Munaasabadda waxaa goob joog ka ahaa Wasiirrada Gaashaandhigga iyo Arrimaha Gudaha, xubno sare oo ka socday Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Taliska Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, iyo diblomaasiyiin ka socday Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta ayaa adkeeyay muhiimadda buundadani u leedahay isku socodka dadka iyo gaadiidka, Wasiirka Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in dib-u-dhiska buundadu uu yahay guul muhiim ah oo shacabka iyo dowladdu wada gaareen, isagoo xusay in ay lama huraan u tahay dhaq-dhaqaaqa bulshada, gaadiidka iyo adeegyada degdegga ah.

Fiqi ayaa sidoo kale si adag u cambaareeyay hanjabaadaha Al-Shabaab, isagoo ku baaqay in la mideeyo dadaallada lagu xasilinayo deegaanka, Wuxuu bulshada deegaanka ka codsaday in ay si dhow ula shaqeeyaan hay’adaha amniga.

“Walaalaheena Turkiga waxay ka qaateen door muuqda dib-u-dhiska buundadan, waxayna qayb ka tahay dadaalka joogtada ah ee lagu taageerayo shacabka, Buundada Sabiid iyo Caanoole waa halbowlaha dhaqdhaqaaqa beeraleyda deegaanka,” ayuu yiri Fiqi.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-u-heshiisiinta, Cali Hoosh, ayaa sheegay in Turkigu garab taagan tahay Soomaaliya, gaar ahaan xoreynta deegaanada ay Al-Shabaab ka howlgalaan iyo dib-u-dhiska goobaha burburay.

Taliyaha ciidamada dhulka, Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa isna sheegay in ciidanka xoogga dalka ay diyaar u yihiin in ay cirib-tiraan Al-Shabaab, islamarkaana xoojiyaan amniga deegaannada la xoreeyay.

Buundada Sabiid iyo Caannoole ayaa ka mid ah buundooyinka istiraatiijiga ah ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana shaqadeedu muhiim u tahay isku xirka tuulooyinka ku yaalla hareeraha Webiga Shabeelle, iyadoo fududeysa socodka dadka, gaadiidka iyo xoolaha ee deegaanka beeralayda ah.