Dowladda Federaalka oo ka hadashay dibadbaxyada ka socda Boorama, Baaqna u dirtay Somaliland

Sabti, December 6, 2025 (HOL) - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga hadashay dibadbaxyadii rabshadaha watay ee magaalada Boorama, kuwaas oo sababay khasaare nafeed iyo dhaawac soo gaaray dad shacab ah oo banaanbax ka dhigayay magaaladaas.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Federaalka ay ka xun tahay dhacdadii laga soo sheegay Boorama, gaar ahaan dhimashada iyo dhaawaca ka dhashay isku dhacyadaas.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in dhacdadan ay si gaar ah u saameysay shacabka magaalada, iyadoo dowladda Federaalka ay tacsi u dirtay ehelada dadka dhintay, halka ay dhaawacyada u rajeysay caafimaad degdeg ah.

Sidoo kale, dowladda Federaalka ayaa baaq u dirtay Somaliland, iyagoo ugu yeeray in ay u turaan shacabka deegaanka oo ay ka waantoobaan isticmaalka xoogga xad-dhaafka ah, iyadoo laga doonayo in la dhowro xuquuqda muwaadiniinta iyo xuquuqdooda bannaanbaxa nabadeed.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sidoo kale ku boorrisay culimada, odayaasha dhaqanka, haweenka iyo dhalinyarada in ay door muuqda ka qaataan dejinta xiisadda, ayna ka shaqeeyaan sidii xal nabadeed looga gaari lahaa xaaladda ka taagan Boorama.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku celisay in ay diyaar u tahay in ay kaalin ku yeelato dadaallada lagu xasilinayo xaaladda, laguna ilaalinayo nabadda iyo badbaadada shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Ugu dambeyn wasaaradda ayaa cadeeysay inay u tahay inay ka qeyb qaadato taakuleynta dhaawacyada u baahan gargaar caafimaad.