Bangiga Dhexe ee Soomaaliya oo shaaciyay in hantida bangiyada dalka ay gaartay $2 bilyan

Sabti, December 6, 2025 (HOL) - Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in hantida guud ee bangiyada dalka ay gaartay 2 bilyan oo dollar, halka lacagaha dibadda ee shacabka loo soo diro ay dhaafeen 6.23 bilyan oo dallar sanadkii 2024. 

Bangigu wuxuu sheegay tani inay muujinayso doorka lacagahaas uga jiraan taageerada qoysaska iyo adkaynta dhaqaalaha.

Tiradan waxaa lagu soo bandhigay Warbixinta Xasilloonida Maaliyadeed oo ay ka doodeen Guddiga Xasilloonida Maaliyadeed ee dhawaan la dhisay, kaasoo kulankoodii ugu horreeyay uu dhacay 24-kii November 2025. 

Guddigan ayaa loo abuuray inay la socdaan khataraha waaweyn ee saameyn kara dhaqaalaha isla markaana isku dubbarido siyaasadaha lagu ilaalinayo xasilloonida maaliyadeed.

Sida uu sheegay Bangiga Dhexe, warbixintu waxay muujisay horumar ballaaran oo laga gaaray waxqabadka bangiyada. Bangigu wuxuu sheegay in Bangiyadu ay hayaan heer ku filan oo caymis raasumaal ah oo gaaraya 19%, halka faa’iidadooduna ay kor u dhaaftay 9 milyan oo doolar sanadkii 2024. 

Bangigu wuxuu xusay in lacagaha dibadda looga soo diro Soomaaliya oo ka badan 6.2 bilyan oo doolar ay weli yihiin laf-dhabarta nolosha kumannaan qoys oo Soomaaliyeed, waxna ku kordhinayaan xasilloonida dhaqaalaha iyo ganacsiga dalka.

Bangiga Dhexe ayaa intaas ku daray in Guddiga Xasilloonida Maaliyadeed uu xilliyada soo socda diiradda saari doono adkaynta nidaamka maaliyadeed, sida dib-u-habaynta lacagta, ku darista shirkadaha xawaaladaha nidaamka lacag-bixinta qaranka, xoojinta la-dagaallanka lacag-dhaqashada iyo maalgelinta argagixisada, iyo hagaajinta diyaar-garowga degdegga ah ee xaaladaha maaliyadeed.