
Talaado, December 2, 2025 (HOL) - Wafdi ka socda dowladda Boqortooyada UK ayaa kulan wada-tashi iyo wadashaqeyn kor u qaadid ah la yeeshay Wasiirka Arrimaha Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Soomaaliya, Ambassador Khadiija Mohamed Al-Makhzumi, kulankaan oo ka dhacay magaalada Muqdisho.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in wafdiga ay ka heleen wasiirka warbixin faahfaahsan oo ku saabsan muddada hore ee shaqadeeda, mudnaanta wasaaradda, guulaha dhowaan laga gaaray howlaha horumarinta, iyo horumarrada ay ku matashay Soomaaliya shirarkii caalamiga ahaa ee ay ka qayb gashay bilihii la soo dhaafay.
Wasiir Khadiija Al-Makhzumi ayaa ku dheeraatay muhiimadda ay leedahay aasaaska Guddiga Qaranka ee Xuquuqul Insaanka ee Madaxa Bannaan, kaas oo beddelay khabiirkii UN-ka u qaabilsanaa xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya.
Waxay sheegtay in tillaabadani ay sare u qaadayso madax-bannaanida Soomaaliya ee dhanka ilaalinta xuquuqda aadamaha iyo in ay muujinayso qaangaar siyaasadeed iyo hay’ado dowladeed oo xooggan.
"Waxaan maanta magaalada Muqdisho kusoo dhaweynay Wafdi heerkiisu sareeyo oo ka socda dalka Dowladda Ingiriiska oo ay hogaamineyso Safiirka Xuquuqul Insaanka Boqortooyada Ingiriiska H.E Eleanor Sanders oo safarkeedii ugu horeysay ebid ku timid magaalada Muqdisho ayada oo kasoo jawaabtay casuumaaddeeyda aan ugu fidiyey si ay Soomaaliya ugu muujiso qiimaha ay u heyso qof walba oo na garab istaaga maalinta aan u baahannahay. Eleanor Sanders waxa ay hormuud u aheyd ololihii xoogganaa ee ay Soomaaliya dib ugula soo laabatay madax banaannideeda Xuquuqul Insaanka taasi oo ay dowlado badan oo ay ugu horeyso Boqortooyada Ingiriiska si weyn noogu garab istaageen guushii taariikhiga aheyd ee uu Dalkeennu ka gaaray 8dii bishii October ee sanadkan 2025 Shiweynihii Xuquuqul Insaanka ee QM." ayay tiri Wasiir Khadiija Al-Makhzumi
Waxay sidoo kale uga mahadcelisay wafdiga UK, oo uu hoggaaminayay Eleanor Sanders, booqashadeeda ugu horreysay ee rasmiga ah ee Muqdisho, iyadoo xubno ka tirsan safaaradda UK ee Soomaaliya ay qeyb ka ahaayeen kulanka.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan kobcinta xuquuqda aadanaha, barnaamijyada daryeelka qoyska, dhismaha hay’adaha, iyo hormarinta awoododa shaqaalaha dowladda.
Wasiir Khadiija Al-Makhzumi ayaa tilmaantay in Soomaaliya ay qaaday tallaabooyin la taaban karo, hase yeeshee ay weli u baahan tahay taageero caalami ah si loo xaqiijiyo horumar joogto ah oo waara.