4/20/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 15, 2025
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in SSC Khaatumo aysan wax sharuud ah ku xirin sii daynta 25 maxbuus
 

Talaado, April 15, 2025 (HOL) - Wasiirka Caddaaladda Soomaaliya, Xasan Macallin, ayaa sheegay in maxaabiista ay dowladda Soomaaliya kala soo wareegtay maamulka SSC-Khaatumo ay qeyb ka yihiin dadaallo lagu xoojinayo nabadda iyo isfahamka, isla markaana ay u gogol xaarayaan isdhaafsiga maxaabiista labada dhinac.

Xasan Macallin oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho kaddib markii halkaas la geeyay 25 maxbuus oo ahaa askar ka tirsanaa ciidamada Somaliland, kuwaasoo lagu qabtay dagaalladii ka dhacay gobolka Sool, ayaa sheegay in aan wax shuruud ah lagu xirin sii dayntooda.

Wasiirku wuxuu tilmaamay in inta badan maxaabiistan ay la ildaran yihiin xaalado caafimaad, isla markaana ay u baahnaayeen daryeel degdeg ah. Wuxuu sidoo kale ku ammaanay maamulka SSC-Khaatumo go’aanka ay ku wareejiyeen maxaabiista, isagoo sheegay in arrintaasi ay muujineyso garowsho siyaasadeed iyo farriin nabadeed oo dhiirrigelineysa wada-hadal iyo isu-soo dhowaansho.

Xasan Macallin ayaa xusay in dowladda Soomaaliya ay diyaarinayso qorshe lagu wareejinayo maxaabiista ay iyadu hayso, si ay Somaliland iyaduna tallaabo la mid ah u qaaddo oo ay xurriyaddooda u siiso maxaabiista ka tirsan SSC-Khaatumo.

Waa markii ugu horraysay tan iyo sanadkii 2023, uu maamulka SSC-Khaatumo si rasmi ah u wareejiyo maxaabiis dagaal, inkastoo ay hore u jireen kiisas kooban, sida maxaabiis dhaawac culus qabay oo sanadkii hore ay  ICRC u qaadday  Hargeysa.