Axad, April 13, 2025 (HOL) - Wafdi uu hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Daahir Shire Maxamed ayaa dultagay Maraakiibta loo diyaariyay qodista Shidaalka Soomaaliya ee ku sugan Badda Madow, waxaana Wasiirka socdaalka ku wehlinaayay quburo ka socotay dowladda Turkiga iyo guddoomiyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed.
Wasiirka Batroolka iyo xubnaha wafdigiisa ayaa kulan la qaatay Injineerada iyo quburada qodista Shidaalka Turkiga ee Markabka Fatih, kuwaas oo la filayo inay dhawaan bilaabaan soo saarista Shidaalka dihan ee Soomaaliya.
Shaqadaan la xariirta Sahminta Shidaalka Soomaaliya ayaa soo bilaabatay dhamaadkii sanadkii tagay ee 2024, waxaana hadda la tilmaamaya iney maraysa meel gabo gabo ah, iyadoo natiijada horudhaca ah ee la helayo ay muujinayso in lagu guulaystay Sahminta, taasina ay keentay in dowladda Turkiga Soomaaliya u soo dirto Maraakiibta qodista Shidaalka Soomaaliya.
Booqashada uu ku dultagay Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Maraakiibta loo diyaariyay qodista Shidaalka Soomaaliya ayaa kusoo aadeysa, iyadoo dhawaan magaalada Ankara uu heshiis cusub oo Shidaal looga baarayo dhanka Biriga ah uu la soo galay dhigiisa dalkaasi Turkiga.
Heshiiska cusub ee lagu saxiixay Ankara ayaa u saamaxaya hay'adda shidaalka ee Turkiga (TPAO) inay billowdo daraasad xagga dhulka ah oo ay ku samayneyso ugu badnaan 16,000 oo kilomitir oo isku wareeg ah.
Ugu dambeyntii heshiiskaan cusub ee la xariira baaritaanka shidaalka Biriga Soomaaliya oo ah mid daba socda heshiiskii baaritaanka badda oo ay labada dal gaareen sanadkii lasoo dhaafay ee 2024, kaasoo hadda maraya meel gabagabo ah, islamarkaana dowladda Soomaaliya ay sheegtay in natiijadiisa kama dambeysta ah la heli doono bisha May ee sanadkaan.