9/8/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 2 , 2024
Xildhibaano diyaariyay Mooshin xasaanadda looga qaadayo xildhibaanada taageeray ciidamada Ethiopia
 

Isniin, September, 2, 2024 (HOL) - Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Aqalka Hoose oo tiradooda lagu qiysaasay afartameeyo, ayaa la xaqiijiyay inay diyaariyeen mooshin lagu dalbanayo in xasaanadda looga qaadayo 25 xildhibaan.

Xildhibaanada mooshinka laga diyaariyay ayaa lagu eedeeyay inay ku kaceen tallaabo kasoo horjeedda qarnimada Soomaaliyeed, ka dib markii ay taageereen dibadbaxyo lagu taageerayay joogitaanka ciidamada Itoobiya, kaasoo ka dhacay 2 degmo oo ka tirsan gobolka Bakool.

Mooshinkan ayaa la sheegay in aanu weli qabanin guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Aadan Madoobe, inkastoo xildhibaanada soo diyaariyay ay culays ku saarayaan inuu guddoomiyuhu ka guddoomo mooshinka ay wadaan.

Warar aanu saakay helayno waxay sheegayaan in guddoomiyaha baarlamaanka uu baajiyay fadhigga maanta uu yeelan lahaa baarlamaanka, sababa la xiriira buuqa ka dhashay xildhibaanada mooshinka wada.

Xildhibaanada wada mooshinka ayaa lagu eedeeyay inay madaxtooyadu gadaal ka riixayso, si loogu guulaysto in tallaabo laga qaado xildhibaanada taageeray joogitaanka ciidamada Ethiopia.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xildhibaan C/rashiid Maxamed Nuur Jiilley ka eryay Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha u qaabilsanaa Caafimaadka iyo Nafaqeynta.

Ergayga la eryay ayaa kamid ahaa xildhibaanada taageeray ciidamada Ethiopia, wuxuu sidoo kale kamid yahay 25 xildhibaan  oo la doonayo in xasaanadda laga qaado.