9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 18, 2024
Dagaal lagu dilay Ajaaniib ka tirsan Al-shabaab oo ka dhacay degmada Qansax dheere
 

Arbaco, September, 18, 2024 (HOL) - Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal khasaare geystay oo ka dhacay degmada Qansax dheere ee gobolka Baay, kaasoo u dhaxeeyay ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed iyo kuwa Al-shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab weerar ku qaadeen fariisin ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed ku leeyihiin gudaha magaaladaas.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu ahaa mid aad u xoogan oo labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, kaasoo qaatay mudo ku dhaw hal saac.

Saraakiil ka tirsan ciidanka Daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed oo la hadashay warbaahinta waxay sheegeen in weerarka ay ku dileen 12 xubnood oo ka mid ah xubnahii weerarka kusoo qaaday degmada Qansax dheere, kuwaas oo isugu jira Somali iyo Ajaaniib.

Weerarka ka dhacay degmada Qansax dheere ayaa kusoo aadaya, iyadoo maalmahii lasoo dhaafay ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed iyo kuwa dadka deegaanka howlgalo ka dhan ah Al-shabaab ka wadeen deegaano ka tirsan gobolka Baay.