9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 17, 2024
Koonfur Galbeed oo si adag uga hadashay hakad saacado ah oo ku yimid duulimaadyadii Baydhabo
 

Talaado, September, 17, 2024 (HOL) - Saacadihii hore ee saakay, duulimaadyadii ka imanayay Muqdisho kuna wajahnaa magaalada Baydhabo ayaa hakad ku yimid, iyadoo dadweyne aad u badan oo ku socday Baydhabo ay ku xayirmeen garoonka diyaaradaha ee Aaddan Cadde.

Afhayeenka Madaxtooyada Koonfur Galbeed, Maxamed Cali Ibraahim, ayaa tallaabadan ku sifeeyay mid lagu ihaanaynayo shacabka Koonfur Galbeed. Wuxuuna sheegay in aysan aqbali doonin.

Senator Aadam Abdinasir, ayaa sheegay in duullaan qaawan ay dowladda federaalka ku soo qaadday bulsha waynta Koonfur Galbeed.

“Shacabka Koonfur Galbeedow, maanta xanibaad ayaa la saaray diyaaradaha rakaab ah oo usocday Baydhabo, kuwaas oo waday ganacsato, arday, dad caafimaad usocday, iyo marxuum dibadda ku dhintay,” ayuu yiri Senator Aadam Abdinasir.

Sababta ka dambeysa hakadka saacadaha ah ee duulimaadyada magaalada Baydhabo weli lama xaqiijin, hase yeeshee waxaa la sheegay in haatan  diyaaradihii lagu xanibay garoonka Muqdisho ay magaalada Baydhabo dageen saacado ka hor.

Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre, ayaa dhowaan booqasho ku tagay magaalada Baydhabo, isagoo wadahadal la yeeshay madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta Gareen.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa la kulmay culays siyaasadeed markii dhawaan deegaanadiisa uu ka abaabulay mudaharaadyo lagu taageerayo joogitaanka ciidamada Itoobiya, loogana soo horjeedo ciidamada ka imaanaya dalka Masar.