12/21/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 30, 2024
Xiriirka kubadda cagta Ingiriiska oo raali galin siiyay gabadh muslimad ah oo lagu amray inay dhar gaagaaban ku cayaarto
 

Arbaco, October, 30, 2024 (HOL) - Xiriirka kubadda cagta Ingiriiska ayaa raali galin siiyay gabadh muslimad ah oo cayaarta kubbada cagta  oo lagu magacaabo Iqra Ismaaciil kadib markii loo diiday fursad ay ku ciyaarto kulan ka tirsanaa horyaalka markii ay diiday xirashada surweel gaaban.

Gabadhan muslimadda ah ayaa lagu waday inay qeyb ka ahaato kulan katirsan Horyaalka Kubadda Cagta Haweenka ee Greater London oo ay la ciyaarayeen koxda Tower Hamlets FC.

Muuqaal la soo dhigay baraha bulshada ayay ku tiri: “Kooxda kubadda cagta haweenka ee London ayaa iga joojisay inaan ciyaaro sababtoo ah diinta aan aaminsanahay, sababtoo ah waxaan diiday inaan xirto dhar gaaban oo aan ku ciyaaro.

“Waxaan ka ciyaarayay horyaalkan muddo haatan laga joogo shan sano, anigoo xiran dharka dabaasha, sannad walbana waxay ku adkeeyeen haweenka aniga oo kale ah inay ciyaaraan.

“Sanadkan waxa ay jareen xariiqda, waxa ayna iga mamnuuceen in aan ciyaaro illaa aan ka tanaasulo waxa aan aaminsanahay.

“Garsoorihii FA-ga Middlesex ee ciyaartii Axadii ayaa sheegay in horyaalku uu si adag ugu sheegay in aanu u ogolaan dumarka aniga oo kale ah in ay xirtaan dharka asturaya jirkooda, iyada oo aan loo eegin midabka," ayay tiri.

Xiriirka FA-ga ayaa raaligelin siiyay gabadhan, iyadoo loo sheegay in ay xiran karto dharka ay caqiido ahaan aamisan tahay marka ay garoonka soo galayso.

Afhayeen u hadlay Middlesex FA ayaa  sheegay in dhammaan FA-ga Gobolka iyo mas'uuliyiinta ciyaaraha ee guud ahaan ciyaaraha heerka hoose ee haweenka horaantii sanadkan loo sheegay in gabdhaha loo ogolaado inay xirtaan dhar hubinaya in caqiidadooda ama diintooda aan la carqaladeynin.

"Waxaan la shaqeyneynaa dhammaan daneeyayaashayada si aan u hubinno inay u dabaqi karaan hagiddan si wax ku ool ah oo ay si qoto dheer uga go'an tahay xaqiijinta in kubbadda cagta Ingiriisku ay tahay deegaan loo dhan yahay oo soo dhaweynaya qof walba." Afhayeen u hadlay Middlesex FA.