Ciidanka Xoogga dalka oo maalintii labaad howlgalo culus ka wadada gobolada Baay iyo Bakool

Cabirka Farta
 Ciidanka Xoogga dalka oo maalintii labaad howlgalo culus ka wadada gobolada Baay iyo Bakool

Talaado, October, 29, 2024 (HOL) - Ciidanka xoogga dalka Somaaliyed, gaar ahaan guutada 8-aad qeybta 60-aad ayaa maalintii labaad oo xiriir ah howlgalo qorshaysan ka wada deegaano ku yaala Waqooyiga gobalada Baay iyo Bokool ee maamulka Koonfur Galbeed.

newsinsideHowlgaladaan ayaa ah u jeedkooda kuwa ciidamadu ay isugu furayaan wadada dheer ee xiriirisa magaalooyinka Bardaale iyo Waajid ee ka kala tirsan gobolada Baay iyo Bakool.

Taliyaha guutada 8-aad qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka  Dhame Axmed Maclin Cabdiraxman ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in howlgalada maalintii labaad galay in khasaare xooggan ku gaarsiiyeen Al-shabaab, islamarkaana ay burburiyeen gabaadyo kooxdu laheyd.

Taliye Axmed Dheere ayaa sidoo kale sheegay in howlgaladaan ay sii soconayaan inta ka sifeynayaan dhamaan goobaha ku sugan yihiin kooxda Al-shabaab.

Gobolada Baay iyo Bakool waxaa maalmahii lasoo dhaafay si xowli ah uga socday howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab oo ay iska kaashanayaan ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed.