10/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 23, 2024
Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya oo Nairobi ku gaaray heshiis ka kooban afar qodob
 

Arbaco, October, 23, 2024 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay ku sugna magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa heshiisyo is afgarad la gaaray dhigiisa dalka kenya William Ruto.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, arrimaha amniga gobolka Geeska Afrika iyo iskaashiga dhinacyada horumarinta ganacsiga laba dal.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay dhigiisa dalka Kenya Madaxweyne William Ruto iyo shacabka Kenya soo dhaweynta diiran oo ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa.

Wadahadalada dhexmaray labada Madaxweyne ayaa laga soo saaray afar qodod oo khuseeya amniga, ganacsiga, maalgashiga iyo arrimaha la xariira howlgalka cusub ee badalaya ATMIS ee ku howlgali doona magaca AUSSOM.

Hoos ka akhriso Qodobada oo dhameystiran:-

1. Xoojinta iskaashiga amniga iyo howlgalka taageerada iyo xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), kaas oo bilaabanaya Janaayo 2025.

2. Kor u qaadista xiriirka ganacsi iyo maalgashi ee labada dal, iyagoo hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay fududeynta dhaq-dhaqaaqa badeecadaha iyo adeegyada.

3. Iskaashiga iyo wada-shaqeynta labada dal ee arrimaha gobolka, iyagoo ka faa’iideysanaya madalaha ururrada gobolka sida EAC, IGAD iyo COMESA.

4. Adkeynta taageerada beesha caalamka ee dhismaha awoodda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliyeed, si ay ugu diyaar garoobaan kala-guurka ATMIS iyo AUSSOM iyo in Soomaaliya lagu taageero matalaaddeeda Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, sanadaha 2025-2026.