10/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 22, 2024
Saylici: Haybada Qaranku Waxay ku Jirtaa Somaliland la wada leeyahay
 

Talaado, October, 22, 2024 (HOL) - Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici, ayaa ku baaqay in reer Awdal ay la soo baxaan xisbi, taasi oo uu sheegay in ay quruxda Somaliland ku jirto.

Saylici ayaa taageeray Ururka Barwaaqo, oo uu dhawaan Dr. Gaboose ku wareejiyay reer Awdal, isaga oo sheegay in loo bahanyahay in reer Somaliland ay ka wada muuqdaan mansabka siyaasada.

"Waxa ii muuqata in haybada qaranka Somaliland ay ku jirto in dhib iyo dheefba la helo Somaliland la wada leeyahay, oo laga wada muuqdo xag dhaqaale, xag mansab iyo xaga matalaada siyaasadaba...Markii aanu la tashi badan samaynay waxaanu usoo xulanay in ururka Barwaaqo uu matali doono reer Awdal" ayuu yidhi Saylici.

Madaxweyne Ku Xigeenka ayaa sheegay in Somaliland lagu soo duulay oo la rabo in la kala qaybiyo, isla markaana uu dagaalkii Laascaanood tusaale u ahaa, loona bahanyahay in shacabka la mideeyo.

Taageerada Saylici ee ururka Barwaaqo ayaa ka dhigan in uu marka kowaad taageerada kala noqday xisbigiisii Kulmiye ee u horseeday in uu 2 jeer madaxweyne ku xigeen noqdo, iyo ururka Hilaac, oo uu hoggaaminayo Prof. Axmed Ismaaciil Samar, oo kasoo jeeda Awdal.