10/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 21, 2024
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wafdi uu hoggaaminaayo oo gaaray dalka Jabuuti
 

Isniin, October, 21, 2024 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa Xalay gaaray dalka Jabuuti, waxaana halkaas si diiran ugu soo dhaweeyay wafdiga Madaxweynaha Raysal Wasaaraha dalka Jabuuti Cabdulqaadir Kaamil Maxamed iyo xubno ka tirsan Xukuumadda dalkaas.

Saacadaha soo socda ee maanta ayaa la filaya in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu kulan kula qaato madaxtooyada dalkaas Jabuuti dhigiisa Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Labada madaxweye ayaa ka wada hadli doono xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee walaalnimo ee ka dhaxeeya labada dowladood ee Soomaaliya iyo Jabuuti, gaar ahaan iskaashiga iyo arrimaha ahmiyada u leh labada dal.

Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka tagay dalka Jabuuti ayaa qeyb ka ah safaro shaqo oo uu madaxweynaha ku marayo dalalka bahwadaagta la ah Soomaaliya ee gobolka ku yaala, gaar ahaan kuwa ay ciidamadoodu qeybta ka yihiin howlgalka ATMIS.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa labadii maalin ee lasoo dhafay safaro kusoo maray dalalka Uganda iyo Burundi oo ciidamo ka joogaan soomaaliya, kuwaas oo uu lasoo galay heshiisyo is afgarad oo aan si rasmi ah qaarkood loola wadaagin warbaahinta.