10/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 17, 2024
Madaxweyne Biixi: Ninka Ciidanka Qaranka laayay iyo Ninka Mag Ka Bixiyayba Waa Danbiile
 

Khamiis, October, 17, 2024 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in xubnihii jabhadii Buurta Gacan-libaax sharciga lagu qaadi doono.

Biixi ayaa sheegay in ay danbiilayaal yihiin xubnaha jabhada iyo odayaashii bixiyay magtii askartii ay jabhadu laysay, isla markaana laga daba tagi doono.

"Ninka ciidanka qaranka laayay, ninka mag ka bixiyay iyo isaguba waa danbiile, waana laga daba tagaya, kursi lagu gaadhi maayo waa markaygiiye aan ku fadhiisto, lagu heli maayo dowlada joogta ayaan la dagaalamayaa, lagu gaadhi maayo ciidanka qaranka ayaan heeso ceebo ah u samaynayaa, wanan laynayaa, waanan ku faanayaa" ayuu yidhi Biixi.

Xukuumada Somaliland ayaa hore cafis ugu fidisay xubnaha jabhada oo weerar gaadmo ah ku dilay in ka badan 10 askari 11 August 2023, kadib markii ay odayaal dhaqameed xal ka gaadheen khilaafkii doorashada.

Inkasta oo la cafiyay lagana heshiiyay falka ay jabhadu ku kacday, hadana madaxweynaha ayaa dhowr jeer soo hadal qaaday in maxkamad la geeyo xubnihii ku lugta lahaa dilka askarta, saraakiil mucaaradka ka tirsan ayaa sheegay in arrinta laga heshiiyay oo aanu ahayn kiis markale dib loo furayo.