10/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 11, 2024
Soomaaliya oo soo dhaweysay yabooha Masar ee ah in ay ciidamadeeda kamid noqdaan howlgalka AUSSOM
 

Jimco, October, 11, 2024 (HOL) - Soomaaliya ayaa sheegtay in Masar ay u yaboohday in ay ciidamo nabad ilaalin ah geyso dalkeeda, si ay isaga kaashadaan amniga.

Madaxweynaha Masar Abdel Fattah el-Sissi ayaa Khamiistii shalay ka qeyb galay shir madaxeed ka dhacay magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea, halkaasi oo isaga iyo madaxda Soomaaliya iyo Eritrea ay ku ballan qaadeen iskaashi xooggan oo ku saabsan amniga gobolka.

Mas’uuliyiinta Soomaaliya ayaa warbixin ay soo saareen ku sheegay gabagabada shir-madaxeedka inay soo dhaweynayaan yabooha Masar ee ah in ciidammo la geeyo Soomaaliya si ay qayb uga noqdaan ciidamada xasilinta marka la kala diro ciidamada Midowga Afrika ee  bisha December.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in madaxdu ay soo dhaweynayaan go'aanka Golaha Ammaanka iyo Nabadda ee Midowga Afrika ee howlgalka Midowga Afrika ee lagu taageerayo xasilinta Soomaaliya, ama AUSSOM, kaasoo mas'uuliyadiisa ay qeyb ka ahaan doonaan Masar ama kuwa kale.

War-murtiyeedka ay saxiixeen wakiillada Soomaaliya, Masar iyo Ereteriya ayaa lagu caddeeyay in Soomaaliya ay xaq u leedahay in ay go’aamiso qaabka, howlaha iyo waqtiga loo dirayo ciidamada AUSSOM.

Dowladda Soomaaliya ayaa tan iyo 2007 taageero ka helaysay howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee dagaalka kula jira kooxda Al-Shabaab oo xiriir la leh Al-Qaacida, isla markaana mas’uul ka ah weerarro lagu hoobtay oo ka dhacay dalka.

Shir madaxeedka Asmara ayaa daba socday in muddo ah xiisado ka taagnaa gobolka oo ka dhashay khilaafyo u dhaxeeya Itoobiya iyo kuwa kale.