10/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 10, 2024
Soomaaliya, Eritrea iyo Masar oo heshiis isafgarad ah ku gaaray magaalada Asmara
 

Khamiis, October, 10, 2024 (HOL) - Magaalada Asmara ee dalka Eritrea waxaa kulan ku yeeshay madaxweynayaasha Ereteriya, Masar, iyo Soomaaliya, halkaas oo saddexda madaxweyne ay wadatashiyo ballaaran uga yeesheen arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah.

Madaxda saddexda dal waxay ku nuuxnuuxsadeen sida ay lagama maarmaanka u tahay in loo hoggaansamo mabaadi'da aasaasiga ah iyo tiirarka sharciga caalamiga ah, gaar ahaan ixtiraamka buuxda ee madax-bannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee dalalka gobolka kuyaala.

Hoggaamiyayaasha saddexda dal ayaa kulankooda kaddib waxay ku heshiiyeen ka hortagga faragelinta arrimaha gudaha ee dalalkan iyadoo marmarsiiyo ama qiil loo samaynayo, iyo isku dubaridka dadaallada wadajirka ah ee lagu gaarayo xasilloonida iyo jawi ku habboon horumar guud oo waara.

Waxay isku raaceen in la taageero Soomaaliya oo wajahaysa caqabadaha gudaha iyo dibaddaba, isla markaana awood loo siiyo Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed inay ka hortagaan argagixisada nooc kasta oo ay tahay, ilaalinta xuduudahooda berriga iyo badda.

Si kastaba ha ahaatee, shir-madaxeedka waxaa lagu gaadhay is-afgarad ku saabsan arrimaha soo socda:

– Qalalaasaha ka taagan Suudaan iyo saamaynta gobolka.

– Xaaladda Soomaaliya marka loo eego is-bedellada gobolka ee u dambeeyay.

– Arrimaha amniga iyo iskaashiga u dhexeeya dawladaha xeebaha ah ee Badda Cas iyo marin-biyoodka Bab al-Mandab iyada oo la eegayo muhiimadda ugu weyn ee ay leedahay marin-badeed muhiim ah.

-Isuduwidda diblomaasiyadda iyo dadaallada wadajirka ah ee ka dhexeeya saddexda waddan.

Soo dhaweynta dadaalka ay sameeyeen labada dal ee Ereteriya iyo Masar ee ku aaddan taageeridda xasilloonida iyo kor u qaadida awoodda dowladda federaalka, waxayna bogaadiyeen yabooha Masar ee ah in ay ku biirto ciidamo ku jira qaab dhismeedka dadaallada nabad ilaalinta ee Soomaaliya.

Waxaa la isku afgartay in la dhiso guddi saddex geesood ah oo isku dhaf ah oo ka kooban wasiirrada arrimaha dibadda ee Eritrea, Masar iyo Soomaaliya oo ka shaqeeya iskaashiga istiraatijiyadeed ee dhinac walba ah.