11/21/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 6 , 2024
Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay inay dib usoo celinayaan qaxootiga Jarmalka
 

Arbaco, November, 6, 2024 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  lagu soo dhaweeyay magaalada Berlin. Casuumaad ka dib, waxa uu la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Jarmalka Olaf Scholz oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka, dib u soo nooleynta waxbarashada farsamada gacanta, sare u qaadida amniga, iyo ballaarinta iskaashiga labada dal.

Wargeyska Bild ee ka soo baxa magaalada Berlin ayaa madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud waxa uu ka wareystay qaxootiga Soomaalida ee ku nool dalka Jarmalka iyo qorshaha dowladiisa ee ku wajahan dadkaasi.

Madaxweyne Xasan Sheikh wuxuu sheegay in qof kasta oo qaxooti ah oo aan sharci ku joogin Jarmalka dib loogu celin karo Soomaaliya, maaddaama dalka uu hadda nabad yahay, sida uu sheegay.

In ka badan 60,000 oo Soomaali ah ayaa ku nool Jarmalka, iyadoo qaar badan oo ka mid ah ay magangelyo weydiisteen.

Sannadkan oo keliya, 5,800 ayaa magangelyo codsaday, sida ay sheegtay Bild.

"Qoxootiga Soomaaliyeed ee aan sharci haysan ama aan ku dhex milmin dib ayaa loo celinayaa. Soomaaliya hadda waa nabad, marka laga reebo dagaallo yar yar oo ay la gashay argagixisada." ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ay doonayaan in Soomaaliya ay noqoto meel ay ku nool yihiin dhammaan muwaadiniinteeda, xitaa kuwa ku nool dalka Jarmalka.

Soomaalida qaxootiga ku ah dalka Germany ayaa walaac weyn ka muujiyay hadalka madaxweynaha iyagoo sheegay in dhibaatadii ay ugasoo carareen Soomaaliya ay weli taalo.