12/21/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 4 , 2024
Jubaland oo wadatashi ugu yeertay Xildhibaanada labada aqal ee laga soo doorto Jubaland
 

Isniin, November, 4, 2024 (HOL) - Warqad kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed islaam Axmed Madoobe ayaa waxaa kulan wadatashi laiskugu yeeray Xildhibaanada Labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ee laga soo doortay degaanada Jubaland.

Warqadda kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa u qorneeyd "Xildhibaanada sharafta leh ee labbada Aqal ku matala Dowladda Jubaland waxaan ku casuumayaa kulan wada-tashi ah oo aan kaga tashan doono xaalada siyaasadeed ee dalka oo ka dhacaya magaalada Kismaayo ee caasimada kumeel gaarka ah ee Jubaland taariikhda 8-11 November 2024".

Arintaan waxa ay ka dambeeysay kadib markii maalinimadii Axada ay laba wasiir oo ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ay xilalkoodi iska casileen.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Qorsheeynta iyo Iskaashiga Caalamiga Cabdirashiid Jire Qalinle iyo wasiir kuxigeenkii Wasaaradda Waxbarashada ee Xildhibaan Axmed Cisman Ibrahim (Daqare) oo labaduba degaan ahaan kasoo jeeda Jubaland ayaa warqadahoodi iscasilaada u gudbiyay RW Xamse Cabdi Barre.

Labada Wasiir ee iscasishay ayaa isku aragti waxa ay ka ahaayeen kala fogaanshaha iyo dhibaatooyinka ay Dowladda Federaalka ku hayso maamulada SSC, Puntland iyo Jubbaland, iyagoo ku eedeeyay dowladda inay wado fowdo siyaasadeed iyo khilaafaad dhanka awoodda ah.