12/22/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 30, 2024
Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo ku baxay joojinta dagaal beeleed ka dhacay xadka gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe
 

Sabti, November, 30, 2024 (HOL) - Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan ee Hirshabeelle Muuse Salaad Wehliye iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray xadka gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe oo ay ku dagaalameen laba maleeshiyo beeleed.

Guddoomiye Muuse iyo wafdiga uu horkacaayo ayaa u tagay deegaanada ku yaala xadka labadaan gobol ay wadaagaan baajinta colaada u dhaxeysa laba beelood oo walaalo ah..

Wuxuu sheegay guddoomiyaha gobolka Hiiraan iney ka go'an tahay xal u helista dagaalada soo noqnoqday ee maleeshiyaadka labadaan beelood marar badan dhex maray.

"Waxaan u nimid deegaanada dagaaladu ka dhaceen sidii aan xal rasmi ah ugu heli laheyn colaadooda, masuuliyiin kale oo kasoo jeeda Shabeellaha dhexe ayaa iyana noo soo socda si aan xal waara ugu helno colaada beelahaan walaalaha oo sheydhaanku isku diro" ayuu yiri guddoomiye Muuse Salaad.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Muuse Salaad ayaa sidoo kale tilmaamay in hurinta colaada labadaan beelood ay ka dambeeyaan Ururka Al-shabaab.

"Kooxda khawaariijta oo dooneysa iney ka faa'ideysato colaada labadaan beelood si ay ugu soo laabtaan deegaanadii laga xureeyay ayaa ka dambeeya dagaaladaan soo noqnoqday, maadama aysan haynin awood kale oo ay ku imaan karaan goobahii laga saaray" ayuu yiri Muuse Salaad wehliye.

Ugu dambeyntii guddoomiye Muuse ayaa ugu baaqay waxgaradka labadaan beelood iney kala shaqeeyaan sidii loo kala qaadi lahaa maleeshiyaadka dagaalamay, islamarkaana xal loogu heli lahaa dhameystirka colaadaan soo laablaabatay.