12/21/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 29, 2024
Soomaaliya oo ka qeyb gashay shirka 40-aad ee Wasiirrada Cadaaladda dalalka Carabta
 

Jimco, November, 29, 2024 (HOL) - Wasiiru dowlaha Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumada Fedaraalka Soomaaliya  Ilyaas Sheekh Cumar ayaa magaalada Qaahira uga qeyb galay shirka 40-aad ee Wasiirrada Cadaaladda dalalka Carabta.

Shirkaan ayaa looga hadlay ajandayaal ay ka mid ahayeen Iskaashiga Cadaaladda iyo la dagaalanka Musuqmaasuqa, Argagaxisada, ka ganacsiga dadka iyo Burcadda Internet-ka.

Golaha ayaa kulankooda si gaar ah diiradda ugu saaray xoojinta arrimaha Federaaleynta Soomaaliya iyo sidii ay uga qayb qaadan lahayen geedi socodka dib u eegista iyo dhamaystirka Dastuurka Soomaaliya, waxaana la isla gartay in la helo Dastuur casri ah oo la jaanqaadaya heerarka caalamiga ah, islamarkaana u adeegaya baahiyaha iyo danaha shacabka Soomaaliyeed.

"Golaha ayaa si wadajir ah u taageeray codsiga Soomaaliya waxaana la isku raacay in Soomaaliya lagu garab istaago dib-u-habeynta cadaaladda iyo Garsoorka iyo fulinta istaraatiijiyadda bahda Cadaaladda ee dhawaan ay bahda Cadaaladdu sameysatay taas oo saldhig iyo aasaas u noqoneysa horumar ballaaran oo Soomaaliya ay ku tilaabsato" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska Wasiiru dowlaha Cadaalada iyo arrimaha Dastuurka Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay xubin ku yeelatay guddiga sare ee xarunta Carabta ee sharciga iyo cilmi baarista Garsoorka oo lagu aasaasay go’aan kasoo baxay shirkii ugu horeeyay ee wasiirrada cadaaladda Carabta yeesheen sanadkii 1980.

Xaruntaan ayaa la tilmaamay iney ka shaqeyso dejinta sharciyada iyo horumarinta garsoorka, waxaana xubinnimadaan ay Soomaaliya ka heshay golaha sare qeyb weyn ka qaadaneysaa horumarinta howlaha cadaalada Soomaaliya.