12/21/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 23, 2024
Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo oo sheegay inaanu isbeddelka Somaliland waxba ka beddelin mowqifka SSC
 

Sabti, November, 23, 2024 (HOL) - Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Firdhiye, ayaa ku adkaystay in isbeddelka hoggaamineed ee Somaliland aanu wax saameyn ah ku yeelan doonin mowqifka ay maamulka SSC Khaatumo ka taagan yihiin Somaliland.

Hoggaamiye Cabdiqaadir Firdhiye ayaa sheegay, in labadii Madaxweyne ee isbeddelay, Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Cirro, ay isku mowqif ka yihiin sheegashada dhulka SSC.

Firdhiye ayaa hoosta ka xarriiqay in maamulka SSC Khaatumo aanu waxba uga xirnayn isbeddelka siyaasadeed ee Somaliland, isagoo sheegay in intii ay Somaliland ku adkaysanayso sheegashada dhulka SSC, aysan jiri doonin wax nabad ah ama wada hadal oo dhex mara labada dhinac.

"Madaxweyne Cirro wuxuu doonayaa inuu fuliyo qaddiyaddii uu ku guulaysan waayay Muuse Biixi, taasoo ah gooni-isutaagga," ayuu yiri Hoggaamiye Firdhiye.

Wuxuu intaas ku daray inay diyaar u yihiin wada hadal iyo wada shaqeyn marka Somaliland ay ka tanaasusho sheegashada dhulka SSC.

Dhanka kale, Hoggaamiye Firdhiye ayaa ugu baaqay Cabdiraxmaan Cirro inuu ka fogaado siyaasadaha colaadeed ee uu bilaabay Muuse Biixi, islamarkaana uu ka shaqeeyo nabadda iyo wada noolaanshaha dadka walaalaha ah ee wada deggan gobolka.