12/21/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 21, 2024
Golaha Wasiirrada oo ansixiyey magacaabista Agaasimaha Guud ee Hey’adda Istaatistikada Qaranka
 

Khamiis, October, 21, 2024 (HOL) - Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta Shir Gudoomiyay Shirka Golaha Wasiirada, Shirkaan Waxaa lagu ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee magacaabista Agaasimaha Guud ee Hey’adda Istaatistikada Qaranka, Dr. Cabdisalaan Cabdiraxmaan Maxamed.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheeynta, Maalgashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha Maxamuud Cabdiraxmaan Beenbeene ayaa ka mahadceliyay magacaabista iyo ansixinta Golaha Wasiirada ee Agaasimaha Guud ee Hey’adda Istaatistikada Qaranka.

"Waxaan Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya uga mahadcelinayaa magacaabista iyo ansixinta Agaasimaha Guud ee Hay’adda Istaatistikada Qaranka(Somalia National Bureau of Statistics), Cabdisalan Cabdiraxmaan Maxamed, taas oo ku timid soojeedintaydii. Waxaan Allah uga baryayaa inuu u fududeeyo xilka culus ee loo idmaday, una sahlo dhammaan waajibaadka ka saaran hoggaaminta iyo horumarinta Hay’adda Istaatistikada Qaranka, si ay u xoojiso dadaallada lagu tayeynayo qorsheynta iyo horumarinta qaranka". ayuu yiri Wasiir Beenebeene.

Dr. Cabdisalaan Cabdiraxmaan Maxamed ayaa ahaa la taliyaha dhinaca Dhaqaalaha ee Madaxweynaha Soomaaliya, sidoo kale wuxuu horay usoo noqday lataliye dhanka dhaqaalaha ee Wasaaradda Maaliyadda  Soomaaliya.