Sabti, November, 2, 2024 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo Sabti ah lagu wadaa inuu hortago Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo kulan wadajir ku leh magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulankaan todobaadkii lasoo dhaafay ka dalbaday Xildhibaanada, kadib casho sharaf uu u sameeyay Xildhibaanada iyo guddoonka labada Aqal.
Wararka hordhaca ah ee kasoo baxaya ujeedka kulankaan labada Aqal ee uu Madaxweynaha ku hortagayo ayaa la sheegaya iney tahay mid uu ku doonayo in Xildhibaanada ay sii shaqeeyaan oo mudo bil ah, si dib loogu dhigo xiritaanka kalfadhiga Baarlamaanka oo dhaw.
Waxaa sidoo kale wararku sheegayaan in madaxweyne Xasan Sheekh uu doonayo in ka hor xeritaanka Kalfadhiga Baarlamaanka in Xildhibaanadu ansixiyaan hindisaha doorashooyinka qof iyo cod ah iyo in la meel mariyo guddiga doorashooyinka ee heer Federaal.
Kulankaan lagu wado inuu maanta qabsoomo ayaa kusoo aadayo, iyadaoo dhawaan lasoo gabagabeeyay shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ay kasoo baxeen qodobo dhowr ah oo ay ka mid ahayeen in dalka uu aado doorasho qof iyo cod, si looga gudbo mid doorashadii dadbaneyd iyo mudo kororsi hal sano ah oo loo sameeyay maamul goboleedyada, waxaana xusid mudan in go’aanadaas ay ka horyimadeen maamulada Jubbaland, Puntland iyo Siyaasiyiinta mucaaradka ee kasoo horjeedo dowladda.