Talaado, October, 19, 2024 (HOL) - Waxaa maanta Magaalada Kismaayo kulan iskugu yimid Guddiga doorashooyinka ee Jubaland iyo howlgalka ATMIS iyo taliska Booliska Jubadda Hoose, waxaana lagawada hadlay sidii loo xoojin lahaa amaanka goobta ay ka dhaceyso doorashada Madaxweynaha iyo mida gudoonka Baarlamaanka ee Jubaland.
Guddiga Doorashooyinka Jubaland ayaa u sheegay saraakiishii ka socday ciidamada booliiska ATMIS inay qaataan doorkoodi amaan sugida magaalada Kismaayo iyo xarunta Doorashada ay ka dhaceyso, waxaana hogaaminayey saraakiisha ATMIS Taliyaha Isku-dubaridka Ciidanka Booliiska ATMIS ee Jubada Hoose, SSP Elepot Eriya.
Saraakiisha ATMIS ee kulanka ka qeyb galay waxaa wehliyay Taliyaha Booliiska Qeybta Gobolka Jubada Hoose, Gaashaanle Sare Sadiiq Maxamuud Dhogor.
Waxa ugu muhiimsanaa ee laga wada hadlay ayaa ahaa wada shaqeynta guud ee ciidamada booliiska Jubaland iyo kuwa ATMIS sidii ay wada shaqeyn lahaayeen sugidda amniga doorashada, si loo xaqiijiyo jawi nabdoon oo lagu qabto hawlaha muhiimka ah ee doorashada.
Todobaadkaan waxaa la filayaa in lagu dhameeyo soo xulista Xildhibaanada Jubaland iyo doorashada Guddoonka Baarlamaanka sida ku cad jadwalka doorashada ee Jubaland waxaana 25ka la filayaa inay qabsoonto Doorashada Madaxweynaha.