Hiiraan Online
12/21/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Isniin, Nov 18, 2024
Dowladda Denmark oo cafisay deyntii ay ku lahayd Soomaaliya
Isniin, October, 18, 2024 (HOL) - Safiirka Dowladda Denmark u jooga Soomaaliya Mr. Steen Sonne Andersen iyo Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige ayaa maanta si wadajir ah ugu saxiixay magaalada Muqdisho heshiis Dowaldda Soomaaliya looga cafinayo lacagihii deynta ahaa ee Dowaldda Denmark ay ku laheyd Dowladda Soomaaliya.
Xubnaha dalalka Paris Club oo horay u go’aamiyay Bishii Maarso 2024, in ay cafiyeen daymihii Soomaaliya ay ku lahaayeen, ayaa go’aankaas waxa uu xusayay in Dowladda Soomaaliya ay si gaar ah ula macaamisho dalalka deymaha kulahaa.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige ayaa qoraal kooban oo uu kasoo saaray heshiiska kadib wuxuu ku yiri “Waxaa dhaboobay miraha ka dhashay barnaamijka dib-u-habeynta Maaliyadda iyo guulihii laga gaaray hannaankii deyn cafinta, waxa aan u mahadcelineynaa Dowladda Denmark oo ah saaxiib qiimo leh oo qeyb ka ah horumarka maaliyadeed ee Soomaaliya”.
Dowladda Soomaaliya ayaa qaadeysay tallaabooyin ay ku horumarinayso hay'adaheeda Dowliga si ay caalamka u arkaan in Soomaaliya ay dhismayso lagana cafiyo deymaha mudada badan lagu lahaa, waxaana qeyb ahaan ay bixisaa Dowladda gunnooyinka ay qaataan ciidanka iyo shaqaalaha Dowladda dhexe.