11/21/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 16, 2024
Baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyay Xeerka Dhismaha Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha
 

Sabti, October, 16, 2024 (HOL) - Mudanayaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Xeerka Dhismaha Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha kadib fadhi wadajir ah ay ku yeesheen aqalka Villa Hargeysa.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Adan Maxamed Nuur Madoobe oo maanta shir gudoominayay fadhigii ay uwada dhamaayeen labada aqal ayaa sheegay in xeerkaan ay mudanayaasha Baarlamaanka ay ku ansixiyeen cod aqlabiyad ah, waxaana ogolaatay in la ansixiyo 173 Xildhibaan, mana jirin Xildhibaan diiday ama ka aamusay.

Si guudba kooramka fadhigii maanta ee Baarlamaanka ayaa ku furmay 173 oo kaliya waxaana maalmihii dambe ay xooga saarayeen Mudanayaasha inay ka shaqeeyaan arrimaha la xiriira xeerarkaan la xiriiray dhismaha Guddiga madax banaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha.

Xildhibaanadaan oo Bishaan gali lahaa fasax ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh waxa uu ka codsaday inay ka shaqeeyaan arrimaha la xiriira Xeerarka Doorashooyinka si dalkaan loo gaarsiiyo Doorasho Qof iyo Cod ah.

Guddigaan cusub waxa uu u xilsaaran yahay kormeerida doorashooyinka iyo maaraynta xuduudaha dalka, hubinta hanaan doorasho oo hufan oo madax banaan.

Xildhibaanada ayaa ansixinta ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo ka mid ah dadaallada socda ee Soomaaliya ee lagu dhisayo hannaan siyaasadeed oo xasilloon.