Arbaco, November, 13, 2024 (HOL) - Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya ayaa gaaraya ku dhawaad 10,000 oo askari, iyadoo 3 meelood meel kaliya ay qayb ka yihiin howlgalka nabad ilaalinta ATMIS ee Midowga Afrika (AU).
Ethiopia ayaa sidaas ku noqotay dalka ciidamada ugu badan ay ka joogaan gudaha Soomaaliya, marka la isku daro ciidamada uga diiwaan gashan ATMIS iyo kuwa iskeed ay usoo galisay gudaha Soomaaliya.
Dalka labaad oo ah Uganda ayaa waxaa ka jooga wax ka yar 7 kun oo askari oo katirsan ATMIS.
Sida laga soo xigtay Machadka Caalamiga ah ee Jarmalka (SWP) oo fadhigiisu yahay Berlin, Addis Ababa ayaa ciidamo iskeed ah usoo dirtay Soomaaliya, si ay u xakameyso awoodda Al-Shabaab ay kusoo weerari karto Itoobiya lafteeda.
Si kastaba ha ahaatee, tallaabadan ayaa keentay inuu sii xoogeysto khilaafka kala dhaxeeya dowladda Soomaaliya oo kasoo horjeeda ciidamada Itoobiya ee ku howlgala si ka baxsan sharciga Midowga Afrika.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan walaac ka muujiyay saameynta ay ciidamada Itoobiya ku leeyihiin Soomaaliya, isagoo tusaale u soo qaatay in ciidamada Itoobiya ay la wareegeen gacan ku haynta garoonka Gedo, ayna hubeeyeen qabaa'ilada.
Maalmo ka hor, wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, ayaa sheegay in Itoobiya aysan ka qeyb qaadan doonin howlgalka cusub ee Midowga Afrika, sababtoo ah wuxuu sheegay inay ku xad gudubtay madax banaanida Soomaaliya.