12/21/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 12, 2024
Askar ka tirsaneyd ciidanka Koonfur Galbeed oo lagu dilay weerar ka dhacay Shabeellaha Hoose
 

Talaado, November, 12, 2024 (HOL) - Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in saacadahii lasoo dhaafay lagu dilay inta u dhaxeysa magaalooyinka Wanlaweyn iyo Afgooye ee gobolkaas laba askari oo ka tirsanaa ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Labadaan askari ayaa ku safraayay wadada xiririsa Wanlweyn iyo Afgooye, waxaana dilkooda fuliyay xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab oo dhabagal ku sameeyay.

Askartaan la dilay ayaa watay Mooto nooceedu yahay laba lugaaley oo ay kaga soo ambabaxeen degmada Wanlaweyn, iyagoona ku sii jeeday degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Majirto wali wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka degmada Afgooye oo ku aadan weerarka dhabagalka ah ee lagu dilay askarta ka tirsaneyd ciidanka Koonfur Galbeed.

Si kastaba ha ahatee deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose waxaa inta badan ka dhaca weeraro kala duwan oo ay kooxda Al-shabaab ku beegsato ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ka howlgala gobolka Shabeellaha Hoose.