12/21/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 11, 2024
Baarlamaanka SSC- Khaaatumo oo dowladda Federaalka ugu baaqay in wax ka beddelka dastuurku uu noqdo mid loo dhan yahay
 

Isniin, November, 11, 2024 (HOL) - Golaha Wakiillada SSC- Khaaatumo ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya in wax ka beddelka dastuurka uu noqdo mid loo wada dhan yahay, oo ay ku lug leeyihiin dowladda Federaalka iyo dhammaan dowladaha xubnaha ka ah.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Baarlamaanka SSC- Khaaatumo ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay Puntland, Jubbaland, iyo qaybaha kale ee ay khusayso inay qeyb ka yihiin wax ka beddelka dastuurka si loo horumariyo midnimada iyo xasilloonida siyaasadeed ee dalka.

Golaha Baarlamaanka SSC-Khaatumo waxay kaloo xasuusiyeen dawladda federaalka Soomaaliya iyo daneeyayaasha muhiimadda ay leedahay in la aqoonsado xuquuqda ay SSC-Khaatumo ku leedahay kaalmada, horumarinta, iyo matalaadda siyaasadda.

Waxay ku booriyeen madaxda dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah in ay dhinac iska dhigaan ajandayaasha khilaafku ka taagan yahay, ayna ka hormariyaan danta qaranka Soomaaliya wada hadal iyo iskaashi.

Warka kasoo baxay Baarlamaanka SSC Khaatumo ayaa kusoo aaday, iyadoo magaalada Laascaanood uu ka dhacay Kulan looga hadlayay doorka Baarlamaanka SSC-Khaatumo ee ku aadan sidii bulshada SSC ay uga qayb qaadan lahaayeen arrimaha dastuurka.