Talaado, May, 21, 2024 (HOL) - Hay'adda Maareynta Musiibooyinka ee dowladda Soomaaliya ayaa ka digtay loogu magacdaray ๐๐ฎ๐น๐, taas oo ku soo wajahan magaaloyinka xeebaha dhaca, si gaar ah Muqdisho, Baraawe, Marka, Jamaame, kismaayo iyo Badhaadhe.
Warsaxaafadeed kasoo baxay hayโadda, ayaa lagu sheegay, cabsida ugu weyn ee laga qabo duufaan inay tahay, in ay geysato burbur hantiyeed. Waxay hayโaddu si gaar ah walaac uga muujisay degaanada xeebaha, halkaas oo ah meelaha ugu nugul oo ay dufaantu khasaaraha ugu weyn ka geysan karto.
Hayโaddu waxay uga digtay dadka ku nool degaanada xeebaha inay ka feejignaadaan khataraha ka dhalan kara duufaanta kusoo wajahan degaanadooda, waxayna u sheegtay inay badda ka saaraan qalabka kalluumaysiga, kana fogaadaan aagga xeebaha.