9/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 7 , 2024
Booliiska Soomaaliya oo soo bandhigay nin ku eedeysan faafinta anshax xumo
 

Axad, Luulyo, 7, 2024 (HOL) - Taliska ciidanka Booliiska qeybta guud ee gobolka Banaadir ayaa warbaahinta u soo bandhigay Ashraf Cali Nuur oo ku eedeysan faafinta waxyaabo anshax xumo ah.

War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska Booliiska ayaa lagu sheegay in Ashraf loo haysto anshax xumo uu ku faafinaayay maalmahii lasoo dhaafay baraha bulshada, islamarkaana la horkeeni doono maxkamadda ku shaqada leh.

"Booliska Soomaaliya ayaa soo xiray eedeysane Ashraf Cali Nuur Sahal oo 24 jir ah, kuna eedeysan anshax darro, Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa u taagan ka hortagga fal-kasta oo wax u dhibaya diinteena suuban ee Islaamka iyo dhaqanka wanaagsan ee umadda Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Booliska Soomaaliya.

Ninkaan Booliiska Soomaaliya uu soo bandhigay ayaa maalmahii dambe hadal heyn xoogan ka dhex dhaliyay baraha Bulshada, gaar ahaan Aalada Tiktok oo uu kusoo bandhigi jiray muqaalo aysan jecleysan dadka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii bilahii lasoo dhaafay waxaa isa soo taraayay beegsiga Booliiska Soomaaliya ay ku hayaan shaqsiyaadka ku dhex faafiya baraha bulshada waxyaabaha anshax xumada ah.