9/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 11, 2024
Maraykanka iyo Somaliland oo ka wada hadlay heshiiska Itoobiya, amniga gobolka iyo doorashooyinka
 

Khamiis, Luulyo, 11, 2024 (HOL) - Dowlada Maraykanka iyo Somaliland ayaa ka wadahadlay xaalada amaan ee Geeska Afrika, heshiiska Somaliland iyo Itoobiya iyo qabsoomida doorashooyinka Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa qasriga madaxtooyada ku qaabiley wefti uu hoggaaminayo Safiirka Maraykanka  ee Soomaaliya Danjire Richard H. Riley, wuxuuna madaxweynuhu ugu horayn warbixin ka siiyay amniga guud iyo doorashooyinka Somaliland sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada.

"Salaan iyo soo dhawayn ka dib waxay ka wada hadleen arrimo door ah oo salka ku haya xidhiidhka wanaagsan ee labada dal ka dhexeeya, nabadgelyada guud ee mandaqada Geeska Afrika, arrimaha doorashooyinka, heshiiska Is-afgarad ee dhexmaray Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Federaalka Ethiopia" ayaa lagu yidhi qoraalka.

Madaxweynuhu waxa uu xusay in ay juhdi badan gelinayaan doorashada, culays kasta oo ay ku tahay Somaliland, kuna qabanayaan wakhtigeeda, iyadoo aanay cidina gacan ku siin, taana ay isla ogolyihiin reer Somaliland iyo axsaabta siyaasadu isla markaana la dhamaystiray waxkasta oo ku baxaya.

Madaxweynuhu waxa uu safiirka u sheegay in heshiiska Dawladda Federaalka Itoobiya iyo Somaliland uu sababi doono iskaashi iyo badhaadhe dhaqaale, waxa uu xusay in uu yahay heshiis kali ah u dhexeeya iyaga iyo Itoobiya oo aan cid kale soomayn taban ku yeelan doonin.

"Dooda muqdisho ee ah marka uu hirgalo heshiiska isfahan ee Somaliland iyo Itoobiya, waxa xoogaysanaysa Al-shabaab,  kaasi xaqiiqo maaha, waxaanu ka leenahay marka uu hirgalo waxa xoogaysanaya iskaashiga amni" ayaa lagu yidhi qoraalka.

Qoraalka ayaa intaa ku daray in safiirka Maraykanku uu soo dhaweeyay horumarka amni iyo dimuquraadiyadeed ee ay Somaliland gaadhay, isla markaana uu Maraykanku diyaar u yahay in uu wadashaqayn fiican la yeesho Somaliland.