Sabti, December, 7, 2024 (HOL) - Waxaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho laga soo dajiyay 47 Dhalinyaro oo dhawaan ka badbaaday dooman ay saarnayeen oo kula quusay xeebaha dalka Madagastar.
Dhalinyaradaan ayaa lagu keenay diyaarad gaar ah oo ay dowladda Soomaaliya u dirtay, kuwaas oo maalmahii lasoo dhaafay ku sugna dalka Madagastar.
Qaar ka mid ah dhalinyaradaan maanta dalka dib loogu soo celiyay oo warbaahinta kula hadlay gudaha magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay waxyaabahii dhacay iyo waliba sida ay ku badbaadeen.
“Doonta markii ay nala qalibmeysay waxaan ahayn 75 qof 13 maalmood ayaan badda ku jirnay anaga oo darawal la’aan ah, doomahiina naga fariisteen, dadka naga dhintay Gaajo ayay la dhinteen, anaga waxaa ina badbaadiyay Kaluumeysto u dhalatay dalka Madagastar, Ilaahey baan u mahad celineeynaa kadibna waxaa u mahad naqeyna dowladdeena Soomaaliya iyo dowladda Madagascar” Mid ka mid ah dhallinyarada oo la hadlay warbaahinta.
Dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda uga mahadcelisay dhamaan hay’adaha iyo shaqsiyaadka ka gacan geystay badbaadinta dhallinyaradan, waxayna sidoo kale sheegtay in weli la baarayo sababta keentay in dhalinyarada ay la quusaan doomahii ay saarnayeen.
Ugu dambeyntii dhalinyadaan maanta dalka dib loogu soo celiyay ayaa ku labisnaa dharka Calanka Soomaaliya, waxaana wajiyadooda ka muuqatay farxad wayn iyo inay ku qanacsanaayeen kusoo laabashadooda dalkooda.