12/22/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 6 , 2024
Wasiir Dhuumaal " Dowladda Fedaraalka waxay amartay in la isoo xiro ama aan ka baxo Jubaland"
 

Jimco, December, 6, 2024 (HOL) - Wasiirka amniga ee dowlad goboleedka Jubbaland Jeneraal Yuusuf Xuseen Dhuumaal  ayaa sheegay isaga oo ku sugan magaalada Beled Xaawo in Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ay u soo dirtay saraakiil doonayay inay xiraan kuwaasi oo u sheegay inay doonayaan inuu iskaga baxo degaanada Jubalanad uuna cambaareeyo maamulka uu hadda wasiirka ka yahay.

Dhuumaal oo maanta warbaahinta kula hadlay Doolow ayaa sheegay in saraakiishaasi uu si weyn u garanayo qaarkoodna isaga uu u qoray inay ciidamada ku biiran, ay 3 Qodob kala hadleen oo kamid ah, inuu iskaga baxo Jubbaland uuna cambaareeyo Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, amaanna u jeediyo Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay usheegen inay amar qaldan ay soo qaateen balse shuruudaha ay wataan haduusan u hogaansamin ay xiri doonaan.

Balse Wasiirka amniga Jubaland Jeneraal Dhuumaal ayaa shaaca ka qaaday in arrimahaasi oo dhami uu ka biya diiday, waxaana uu carabka ku dhuftay hadii laisku soo dayo in la xiro uu ka horeeyn doono in dhiig badan daato, dad ay dhintaan kuwa kalana dhaawacmaan oo aysan sahlaneen qabashadiisa.

Hadalka Jeneraal ka ayaa imaanaya iyadoo dhowaanahaanba ay Dowlad Goboleedka Jubaland ay ku eedeynaysay Dowladda Federaalka inay lacago ay kubixineyso kala Furfurista Hogaanka ciidamada iyo mas'uuliyiinta Dowlad Goboleedka Jubbaland.