Hiiraan Online
12/22/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Talaado, Dec 3 , 2024
Madaxweynaha Somaliland oo Qaabilay Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya iyo Taliska AFRICOM
Talaado, December, 3, 2024 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Danjire Richard H. Riley, iyo Taliyaha Taliska Isku-dhafka Ciidamada ee Geeska Afrika (CJTF-HOA), Jeneraal Brian Cashman, oo ay weheliyeen masuuliyiin kale oo Mareykan ah.
Madaxweynaha ayaa ugu horreyn uga mahadceliyey xubnaha weftiga Mareykanka iskaashiga iyo wada shaqaynta dhinacyada amniga Geeska Afrika iyo arrimaha milatariga ee ka dhaxeeya Somaliland iyo Mareykanka. Sidoo kale, waxa uu carrabka ku adkeeyey in booqashada weftigu ay xoojinayso xidhiidhka mustaqbalka ee labada dhinac.
Sida ku xusan war-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada, weftiga ayaa si wadajir ah u soo dhaweeyay hadalka Madaxweynaha. Danjire Richard H. Riley, iyo Jeneral Brian Cashman ayaa iyaguna caddeeyey in ay ka go’an tahay iskaashiga dhinacyada amniga Geeska Afrika.
"Sidoo kale, waxa ay madaxweynaha Somaliland ku bogaadiyeen doorka uu ka qaatay horumarka dalka, arrimaha dimuquraadiyada, doorashooyinka isku isku sidkan, adkaynta xidhiidhka labada dal ka dhexeeya iyo bisaylka siyaasadeed ee ka hana-qaaday dal aan weli ka mid noqon beesha Caalamka haseyeeshee buuxiyey dhammaan shuruudihii looga baahna" ayaa lagu yidhi warsaxaafadeeda.
Hoggaanka AFRICOM ayaa hore dhawr jeer u booqday magaalada Berbera iyada oo ay jiraan warar sheegaya in Maraykanku uu danaynayo in uu saldhig ka samaysto Berbera.