Jimco, December 20, 2024 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa ku baaqday in la joojiyo dagaal dhiig badani ku daatay oo deegaanka Dacawalay ee Dowladda Deegaanka Soomaalida ku dhexmaray ciidanka Liyu Booliiska iyo shacab hubaysan.
Wasiirka Amniga Guddaha Somaliland Cabdalle Maxamed Carab 'Sandheere', ayaa sheegay in ay ka hawlgaleen sidii loo joojin lahaa colaada, isaga oo xusay in xukuumadiisu ay xidhiidho la samaysay madaxda Dowladda Deegaanka.
"Intii dacdadani dhacday xidhiidho badan ayaanu la samaynay xukuumada deegaanka, waxananu ugu baaqnay in dadka shacbiga ah la ilaaliyo, nabadana iyaga ayaa xukuumadii ahe lasoo celiyo, si fiican ayay noola qaateen, wafti balaadhan ayaananu u dirnay" ayuu yidhi Sandheere.
Waxa uu sheegay in Somaliland ay ka xuntahay sida ay wax u dhaceen, isla markaana waxa uu xusay in xukuumadu ay sidookale la hadashay dadka deegaanka ee dagaalka kula jira ciidanka, si xaalada nabadgalyo loogu soo dabaalo isla markaana ay odayaal u direen.
Dhinaca kale, Xukuumada Dowladda Deegaanka, oo war kasoo saartay dagaalka, ayaa sheegtay in uu salka ku hayo muran dhul, isla markaana ay ciidan beeleed hubaysani deegaanka ku dileen saraakiil ka tirsan ciidamada nabadgalyada, halka qaar kalena la dhaawacay, kadibna ay ciidan beeleed hubaysani diideen amar kaso baxay guddi ka hawlgashay muranka dhulka.
Dad wax ka og colaada ayaa HOL u sheegay in ay mudaba colaad dhul salka ku haysa u dhexaysay laba beelood oo deegaanka wada daga, isla markaana ay dhinaca ciidanka dagaalku dhex maray ay ka biyo diideen amar kasoo baxay dowladda oo ay u arkeen in aanu cadaalad ahayn.