Isniin, December, 16, 2024 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxyo miino oo Xalay lagu weeraray guryo ku yaala degmada Garasbaaleey ee magaalada Muqdisho.
Qaraxyadaan ayaa la sheegay iney ahayeen miinooyin lagu xiray qaar ka mid ah guryaha ku yaala xaafada loo yaqaano Galmudug oo ka mid ah xaafadaha degmada Garasbaaleey.
Ilaa 5 ruux oo ay ku jiraan caruur ayaa la xaqiijiyay iney ku dhaawacmeen qaraxyadaan oo la tiradooda gaarayay ilaa 6 qarax, waxaana lasoo warinaya iney jiraan kuwa kale oo aanan qarxin.
Qaraxyadaan ayaa lagu bartilmaameedsaday guryo ay ku xiran yihiin Kaamerooyinka CCTV oo ay horay u amartay dowladda fedaraalka in lagu xiro guryaha iyo goobaha ganacsiga ee ku yaala wadooyinka waa weyn ee muhiimka.
Ma jirto ilaa hada wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka degmada Garasbaaleey iyo saraakiisha laamaha amniga Muqdisho oo ku aadan qaraxyadaan Xalay ka dhacay qaar ka mid ah guryaha ku yaala Garasbaaleey.
Ugu dambeyntii qaraxyada noocaan ah ee lagu beegsanayo guryaha ay ku xiran yihiin Kaamerooyinka CCTV ayaa kusoo aadaya, iyadoo horay sidaan oo kale loo qarxiyay goobo ganacsi oo lagu xiray kaamirooyinka, waxaana xusid mudan in kooxda Al-Shabaab ay dhankeeda diidan tahay in Kaamerooyin lagu xiro goobaha ganacsiga ee ku yaala Muqdisho.