12/21/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 13, 2024
Jubbaland oo ka jawaabtay eedeynta dowladda Fedaraalka ee ah inuu xiriir kala dhaxeeyo Alshabaab
 

Jimco, December, 13, 2024 (HOL) - Wasiir ku xigeenka amniga maamulka Jubbaland Aadan Axmed Xaaji ayaa si adag ugu jawaabay eedeynta dowladda Fedaraalka Soomaaliya u jeedisay Jubbaland ee ku aadaneyd inuu xiriir kala dhaxeeyo kooxda Al-shabaab.

Wasiir ku xigeenka amniga Jubbaland ayaa sidoo kale sheegay in eedeynta kaga timid dowladda Fedaraalka ay tahay midaan waxba ka jirin oo been ah.

“Annaga Gaadiidkeenna badda ayaan marinnay, Buurgaabo ayaan joognay difaaceenna u dambeeya, Raaskambooni iyagaa ciidankeena kala furay annagaa joognay, mid kale warka ay sheegayaan waxba kama jiraan dowladda iyada ayaa weerarka soo qaaday sidaas ayuu ku bilaawday dagaalka oo Drone ayay ku bilowday, waana haynaa drone-ka” ayuu yiri Wasiir Aadan Axmed.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay Wasiir ku xigeenka amniga Jubbaland ineysan jirin ciidan ka tirsan ATMIS oo jooga Raas kambooni, islamarkaana u jeedada ciidanka u geysay dowladdu ay aheyd in Jubbaland soo weerarto.

“Dowladda hadii aysan iyada weerarka qaadin, intaas oo diyaaradood ayey meesha geysay, ciidan ATMIS ahaa oo degganaa Raaskambooni ma jiro, maxay ciidamada u geysay” ayuu yiri.

Hadalkaan kasoo yeeray Wasiir ku xigeenka amniga Jubbaland ayaa kusoo aadaya, iyadoo Shalay Golaha Wasiiradda Soomaaliya ay sheegeen in Al-shabaab u suuragaliyeen Axmed Madoobe in gaadiid badan oo dagaal oo ka yimid Kismaayo gaaro Raaskambooni oo Kismaayo u jirta wax ka badan 270 kilo mitir oo ah dhul badan oo ay joogaan Al-shabaab, islamarkaama ay soo dhexmareen ciidamada Jubbaland.