12/22/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 12, 2024
Dowladda Fedaraalka oo xaqiijisay in ciidamadeeda ka baxeen deegaanka Raas kambooni
 

Khamiis, December, 12, 2024 (HOL) - Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu faahfaahiyay sababaha keenay in ciidanka dowladda lagala wareego deegaanka Raas kambooni ee gobolka Jubbada Hoose.

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidanka Axmed Madoobe ay weerar kusoo qaadeen ciidanka dowladda ee ku sugnaa Raas kambooni oo aanan amar u qabin xiligaas iney dagaalamaan.

"Ciidamada Xoogga Dalka ma qabin wax amar ah oo ay dagaal kula galaan cid aan ahayn Khawaarijta, waxaana ka go’an in ay wadiiqo kasta oo suurtagal ah ku gutaan waajibaadkooda Qaran ee ilaalinta Dalka, Dadka iyo Diinta” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhiga.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamada dowladda loo geeyay Raas kambooni si ay u xaqiijiyaan amniga goobihii ay ka baxeen ciidanka ATMIS, gaar ahaan kuwa dalka Kenya.

“Dawladda Federaalka Soomaaliya oo gudanaysa waajibka ka saaran badbaadinta dhiigga Dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ciidamada Qaranka ayaa amartay Ciidamada Qaranka oo loo geeyay Gobalka Jubada Hoose in ay kala wareegaan ATMIS in ay halkaas dib uga baxaan. Tallaabada Dawladda ayaa timid ka gadaal markii uu go’aansaday eedaysane Axmed Madoobe in uu isku hallaago Wiilal Soomaaliyeed oo dhiigoodu uu qiimo badan leeyahay"

Ugu dambeyntii warkaan kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa imaanaya, iyadoo maamulka Jubbaland uu sheegtay in ciidamadooda si buuxda ula wareegeen deegaanka Raas kambooni oo ay hore ugu sugnaayeen ciidanka dowladda.