3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 19, 2023
Maamulka gobolka Banaadir oo soo saaray amar ku socda Milkiiyalaasha Guryaha iyo Daaraha ku yaala magaalada Muqdisho
 

Khamiis, January, 19, 2023 (HOL) - Maamulka gobolka Banaadir iyo dowladda Hoose ee Xamar ayaa shaaca ka qaaday iney dib u bilaabayaan qaadista Canshuurta Guryaha iyo daaraha ka dhisan magaalada Muqdisho oo horay loo joojiyay bishi Oktoobar ee sanadkii lasoo dhaafay 2022.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Saalax Dheere ayaa warbaahinta u sheegay in dowladda Hoose ee Xamar laga bilaabo Maanta oo Khamiis ah in Milkiilayaasha guryaha Caasimadda ku yaala iyo daaraha waa weyn laga qaadi doono Canshuurta guryaha, isagoona sheegay in maamulka gobolka uu ka codsanaayo Milkiilayaasha guryaha iney si dhaw ula shaqeeyaan laamaha qaabilsan qaadista Cabshuurta.

"Laga bilaabo Maanta oo Khamiis ah Taariiqduna tahay 19-01-2023 maamulka gobolka iyo dowladda hoose ee Xamar waxay dib u babayaan qaadista Cansuurta guryaha iyo daaraha ku yaala Muqdisho oo horay loo hakiyay bishii Oktoobar ee sanadkii dhamaaday 2022, sababo la xariira xalinta Maaliyadda" ayuu yiri Afhayeen Saalax Dheere.

Dhinaca kale Afhayeenka Saalax Dheere ayaa sheegay in maamulka gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar ay ugu baaqayaan Milkiilayaasha iska leh guryaha burbursan ee ku yaala meelaha faras magaalaha iney dib u dhisaan, si bilicda magaalada Caasimadda ah dib loogu soo celiyo oo ay ula tartanto Caasimadaha kale ee Caalamka.












Click here
1/19/2023 12:42 PM EST
Khamiis, January, 19, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Cagjar oo maanta furay Shir qiimeyn ahaa oo loo qabtay masuuliyiinta gobollada uu degaanku kakooban yahay ayaa si adag uga hadlay Musuq maasuqa iyo ciqaabta uu yeelanayo masuulkii musuq lagu helo.

1/19/2023 9:29 AM EST
Khamiis, January, 19, 2023 (HOL) - Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun dil ah ku riday Maxamed Cabdi Jiirow oo loo yaqaano Dr. Fanax oo katirsanaa Alshabaab.

1/19/2023 6:44 AM EST
Khamiis, January, 19, 2023 (HOL) - Ugu yaraan 10 ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa lagu dilay dhowr kalena waa lagu dhaawacay ka dib markii ay isku dhaceen ciidamada ammaanka Kenya meel u dhow soohdinta Kenya ay la wadaagto Soomaaliya.

1/19/2023 5:31 AM EST
Khamiis, January, 19, 2023 (HOL) - Wararka ka imaanaya deegaanka Beerxaano ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi uu haatan ka socdo dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamada dib u xureynta deegaanka iyo kuwa Al-shabaab.

1/19/2023 2:39 AM EST
Khamiis, January, 19, 2023 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay dishay 49 ka tirsan Alshabaab, tiro kalana lagu dhaawacay kaddib dagaal ka dhacay Tuulada Dhagaxow oo hoostagta deegaanka Xawaadlay ee gobalka Shabeellaha Dhexe.

1/19/2023 12:29 AM EST
Khamiis, January, 19, 2023 (HOL) - Wasaaradda amniga maamulka Hirrshabelle ayaa caddeysay cidkasta oo u hoggaansanta awaamiirta Alshabaab in ay ku xukun yihiin iyaga.