9/24/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 18, 2023
Somaliland : Laba caruura oo ku nafwaayay gurigooda oo uu dab qabsaday magaalada Burco

Isniin, September, 18, 2023 (HOL) - 2 caruura oo da'adoodu u dhaxayso 10 jir iyo 12 jir ayaa ku geeriyooday gurigooda oo uu dab qabsaday magaalada Burco shalay galabtii.

Jaamac Cabdullaahi Maxamed oo ah aabbaha dhalay carruurta ayaa BBC-da uga waramay sida ay wax u dhaceen, isaga oo sheeegay in xili guriga laga maqnaa ay gabadh kamid ah caruurtu guriga dab qabadsiisay.

"Anuu waan ka shaqo tagay abaaro 2:00 PM markii ay seexdeen uun bay hooyadoodna xaafad edadeed leedahay u yar wareegtay, caruurtu 5 ayay haayeen, waxay yidhaahdeen inanta dhimatay ayaa leetar ku qabatay barkinta" ayuu yidhi Aabbo Jaamac.

Jaamac waxa uu sheegay in labada caruura ee geeriyooday ay awoodi waayeen in ay naftooda la baxsadaan markii uu dabku qarxay isla markaana ay ahaayeen naafo.

"Labada caruura ee geeriyooday marka horeba naafo ayay ahaayeen oo may socon karayn, inanku 10 jir ayuu ahaa inantuna 12 jir" ayuu hadalkiisa sii raaciyay Aabbo Jaamac.

Waxa uu sheegay in jaarku ay kusoo gurmadeen markii uu dabku qarxay, lakiin la damin kari waayay, oo uu burburay dhamaan gurigii, sidaa darteedna lasoo saari kari waayay caruurta naafada ah ee geeriyootay.












Click here
9/18/2023 3:40 PM EST
Isniin, September, 18, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magacaabay taliyayaal cusub oo katirsan ciidanka xoogga dalka, si ay u dardargeliyaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda dowlad goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle.

9/18/2023 11:11 AM EST
Isniin, September, 18, 2023 (HOL) - Wararka ka imaanaya Dowlad degaanka Soomaalida ayaa sheegaya in maanta uu dagaal culus ka bilowday meel u dhaw xerada barakacayaasha Qollaji ee degaanka Soomaalida, dagaalkan ayaa u dhaxeeya Ciidamada Maleeshiyada degaanka Soomaalida iyo Ciidamada Oromiya.

9/18/2023 11:08 AM EST
Isniin, September, 18, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kaasoo baxaya qarax xoogan oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo maanta dhacay gobolka Gedo.

9/18/2023 9:25 AM EST
Isniin, September, 18, 2023 (HOL) - Ciidamada dowladda fedaraalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ayaa goordhaw si buuxda ula wareegay gacan ku heynta magaalada Camaara ee gobolka Mudug.

9/18/2023 8:36 AM EST
Isniin, September, 18, 2023 (HOL) - Madasha siyaasiyiinta Puntland oo ay ku midaysan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka, ayaa madaxweyne Saciid Deni ku eedeeyay inuu ku guul daraystay inuu Puntland u horseedo hannaan dowladnimo oo sal adag leh.

9/18/2023 1:45 AM EST
Isniin, September, 18, 2023 (HOL) - Dowladda Itoobiya ayaa beenisay guulo kooxda Al-shabaab ay ka sheegatay dagaal Shalay galinkii hore ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa Al-shabaab deegaano ka tirsan gobolka Bakool ee maamulka Koonfur Galbeed.

9/18/2023 1:29 AM EST
Isniin, September, 18, 2023 (HOL) - Golaha nabada iyo amniga ee Midowga Afrika ayaa walaac xooggan ka muujiyay weeraradii ugu dambeeyay ee Al-Shabaab ay ka geysteen Soomaaliya, kuwaas oo sababay dhimasho badan iyo dhaawac.

9/18/2023 1:15 AM EST
Isniin, September, 18, 2023 (HOL) - Sarkaal ka tirsan ciidamada Dowladda ee ka howlgalla degmada Xuddur ee gobolka Bakool ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya oo garab ka helaya ciidanka Dowladda Soomaali ay dileen in badan 55 ka tirsan kooxda Alshabaab.