11/30/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 20, 2023
Madaxweyne Xasan Sheekh oo madaxda dalka UK kala hadli doona in Soomaaliya laga qaado Cunaqabateynta Hubka
 

Isniin, November, 20, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada London ee Caasimadda dalka ingiriiska oo uu ka qeyb galayo shirka hoggaamiyeyaasha caalamka ee ka hortagga cunno yarida iyo aafooyinka sababa oo ka dhacaya magaaladaas.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale la sheegay inuu kulamo kula qaadan doono magaalada London madaxda dalka Ingiriiska oo uu ugu horeeyo raysal wasaaraha dalkaas, isagoona kala hadli doono arrimo muhiim u ah dowladda Fedaraalka Soomaaliya.

"Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Kulamo la qaadan doona Madaxda dalka Ingiriiska oo uu kala hadli doono dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo in ay ka taageeraan Soomaaliya qorshaha qaran ee qaadista cunaqabateynta hubka ee saaran dalkeenna, maadaama ay xubin ka yihiin Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey" ayuu yiri Afhayeenka Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya Cabduqaadir Cali Dige.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa in shirweynaha uu ka jeedjyo khudbad oo uu uga hadlayo xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha bani’aadanimada ee ka dhashay daadadka iyo fatahaadaha xiligaan ka jira inta badan gobolada dalka Soomaaliya.

Dhinaca kale Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya Cabdixakiim Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in duulimaadkii ugu horreeyay ee toos ah oo Muqdisho iyo London uu madaxweyne Xasan Sheekh inuu ku tagay magaalada London ee dalka Ingiriiska.

"Maanta safarka madaxweynaha ee UK wuxuu ahaa mid taariikhi ah, safarkanna wuxuu calaamad u yahay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee UK iyo Soomaaliya, taasoo muujineysa xiriirka iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya oo sii ballaaranaya" ayuu yiri Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya Cabdixakiim Maxamed Yuusuf.












Click here
11/20/2023 9:32 AM EST
Isniin, November, 20, 2023 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta degmada Dooloow ee gobolka Gedo u tagay u kuur galida xaaladaha Bani'aadanimo ee ka dhashay daadadka roobabka ka da'ay degmadaas iyo nawaaxigeeda.

11/20/2023 4:01 AM EST
Isniin, November, 20, 2023 (HOL) - Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kordhiyay cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya ilaa dhamaadka sanadkan.

11/20/2023 3:55 AM EST
Isniin, November, 20, 2023 (HOL) - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Kumaandooska Gorgor ayaa howlgalo qorsheysan oo ay ka sameeyeen deegaano ku yaala dhinaca Galbeed ee degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ku dilay xubno ka tirsan kooxda Al Shabaab.

11/20/2023 3:23 AM EST
Isniin, November, 20, 2023 (HOL) - Hay'adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Puntland, (PISA) ayaa sheegtay inay fashilisay Qaraxyo la doonaayey in lagu dhibaateeyo Shacabka magaalada Bosaso iyo hantidooda,

11/20/2023 1:36 AM EST
Isniin, November, 20, 2023 (HOL) - Waxaa socda dadaalo loogu jiro sidii looga hortagi lahaa colaad ka dhacda magaalada Garowe, xilli magaalada ay dad badani ka qaxeen xalay illaa iyo shalay.