11/30/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 18, 2023
Laba wiil oo dhallinyaro ah oo bada Berbera liqday
 

Sabti, November, 18, 2023 (HOL) - Laba wiil oo dhallinyaro ah ayaa geeriyooday kadib markii ay ku qarqoomeen bada Berbera shalay galabtii.

Labada wiil oo lagu kala magacaabi jiray Salmaan Mustafe iyo Ridwaan Mawliid, oo ka yimid Hargaysa iyo Burco ayaa ilaa hada Maydadkooda la laayahay.

"Labadayada qoysba waxa naga maqana caruurtayadii, anaga kaayaga waxa la waayay galinkii danbe ee Khamiista ilaa imika oo ay Sabti tahay oo 4:00 habeenimo tahayna waa la laayahay" Mid kamid ah eheleda ayaa sida Seeko Media u sheegay.

Waxa ay sheegeen in aanay gurmad buuxa ka helin ciidamada bada iyo kooxaha kale ee loo tababaray in ay badbaaadiyaan dadka badu liqdo.

Baadhista maydadka dhallinyaradan ayaaa ilaa hada socda, isla markaana eheleda ayaa ka codsaday deegaanada kale ee Berbera ka fog in ay iyaguna baadhaan, hadiiba ay maydadku ku caaridaan goobo kale.












Click here
11/18/2023 11:12 AM EST
Sabti, November, 18, 2023 (HOL) - Qaar ka mid ah Xildhibaanada iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolka Hiiraan ayaa maanta kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho kaga hadlay saameynta ka dhalatay fataahada wabiga Shabeelle uu ka sameeyay Baledweyne.

11/18/2023 3:58 AM EST
Sabti, November, 18, 2023 (HOL) - Kulan looga hadlayay ammaanka deegaanada hoos yimaada degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa waxaa heshiis lagu gaaray in hay’adaha amnigu soo qabtaan qofkii qof dila, laguna fuliyo xukunka shareecada.

11/18/2023 3:46 AM EST
Sabti, November, 18, 2023 (HOL) - Taliyaha ciidanka Danab ee Puntland, Kornayl Jimcaale Jaamac Takar ayaa jawaab ka bixiyay hadal uu shalay saxaafadda kasii daayay madaxweyne Deni, kaasoo ahaa inuu cafis fidiyay sarkalkan iyo ciidankiisa.

11/18/2023 2:52 AM EST
Sabti, November, 18, 2023 (HOL) - Magaalada Bacaadweyn ee gobolka Mudug ayaa lagu soo bandhigay boqolaal ciidamada deegaanka ah oo loo diyaariyay ka qeybgalka dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.

11/18/2023 2:13 AM EST
Sabti, November, 18, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dab xoogan oo geystay khasaare badan oo Xalay ka kacay suuqa Xamarweyne, gaar ahaan qeybta Masjidka Marwaas, kaasoo markii dambe ku fiday qeybo kale oo ka mid ah suuqa Dahablaha iyo Suuqa Hilibka.

11/18/2023 1:24 AM EST
Sabti, November, 18, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa markii ugu horraysay sheegay in uu diyaar u yahay inuu garnaqsi la galo siyaasiyiinta mucaaradka ee kasoo horjeeda doorashada qof iyo cod.