4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 9 , 2023
Uganda oo fashilisay weeraro argagixiso oo loo maleegayay magaalada Kampala

Talaado, May, 9, 2023 (HOL) - Ciidamada ammaanka ayaa gacanta ku dhigay lix qof oo looga shakisan yahay in lagu helay walxaha qarxa oo la qorsheynayay in loo adeegsado dibadbaxyada dowladda looga soo horjeedo ee ka dhacaya magaalada caasimadda ah ee Kampala.

Major Charles Kabona, oo ah afhayeenka ciidamada difaaca Uganda, ayaa sheegay in howlgalada wadajirka ah ay qaadeen iyagoo ku saleysan xog la helay subaxnimadii Isniinta.

Banaanbaxan oo la qorsheeyay in dalka oo dhan ka dhaco ayaa waxaa soo qaban qaabiyay kooxda u dooda xoriyada dalka Uganda, waxaana looga soo horjeeday dhaqaalo xumo iyo musuq maasuq ka jira dalka.

Si looga hortago qalalaase kasta oo dhici kara, waxaa la adkeeyay ammaanka Kampala iyo nawaaxigeeda, iyadoo booliisku ay ku dhawaaqeen mudaaharaadku mid sharci darro ah.

Goobta lagu qabtay ragan ayaa boolisku sheegay in ay sidoo kale gacanta ku dhigeen alaabo ay ka mid yihiin 12 dhalo oo khamri ah, boorka dhuxusha, sokor, jeergaano shidaal ah, sanduuqyo kabriid ah, koofiyadda qaraxa, dynamite, iyo shumaca.

Uganda ayaa horey wajahday qaraxyo lagu hoobtay oo kaga yimid kooxda Al-Shabaab, oo tan iyo 2007dii dagaal soo jireen ah kula jirtay dowladda Soomaaliya iyo ciidamada Midowga Afrika.