4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 9 , 2023
Wabiga Shabeelle oo ku fatahay Xaafado ka tirsan magaalada Baledweyne
 

Talaado, May, 9, 2023 (HOL) - Wabiga Shabeelle ee dhexmara magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa xalay ku fatahay qeybo ka mid ah xaafadaha magaalada Baledweyne.

Xaafadaha Kooshin, Howlwadaag iyo Buundaweyn ayuu karkaarada ka jabsaday wabiga Shabeelle oo dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay waday biyo aad u farabadan, islamarkaana laga cabsi qabay inuu fatahaad sameeyo.

Waxaa Maanta xaafadaha magaalada Baledweyne ka socda barakac aad u baahsan oo sameynayaan dadka ku dhaqan gudaha magaalada Baledweyne, kuwaas oo u barakacaya dhulka taaga ah oo aysan biyaha galin si ay uga baxsadaan halista ka dhalan karta biyaha wabiga Shabeelle.

Meelaha ugu badan ee barakaca uu ilaa Xalay ka socda ayaa waxaa ka mid ah Xaafadaha Kooshin, Howlawadaag iyo Buundaweyn, mana lasoo warin cid wax ku noqotay maadama dadku ay si aad ah uga feejignaayeen inuu fatahaad sameeynayo wabiga Shabeelle.

Fatahaada uu saacadahii lasoo dhaafay wabiga ka sameeyay gudaha magaalada Baledweyne ayaa imaaneysa, iyadoo afartii sano ee lasoo dhaafay laga baaqsaday in fatahaad looga barakaco xaafadaha Baledweyne, maadama la sameeyay biya xireeno waa weyn oo sabab u noqday inaan laga barakicin biyabaxo, hayeshee afar sano kadib barakacii fatahaada ayaa halkiisa ka bilaawday.

Gabagabadii maamulka Hirshabeelle ayaan sameynin wax isku day ah oo ay kula tacaalayaan sidii looga hortagi lahaa fatahaadaha Baledweyne kusoo noqnoqday, waxaa xusid mudan in shalay galinkii dambe uu Baledweyne soo gaaray Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo aanan wali ka hadlin fatahaada ku dhufatay xaafado ka mid ah Baledweyne.