4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 8 , 2023
Madaxweyne Biixi: Maamulka Puntland in uu yidhaa waxaanu samaynayna xad beeleed mid suuragalaysa maaha

Isniin, May, 8, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa dagaalka Laascaanood markale ku eedeeyay maamulka Puntland iyo kooxo argagixiso ah.

Waxa uu sheegay in Puntland dagaalka ku jirto, isla markaana uu madaxweyne Dani sheegay in uu dagaalamayo, dagaalka oo ay Puntland ku galayso hab qabiil, ayuu yidhi madaxweyne Biixi, oo golaaasha sharci dajinta ka horjeedijayay qudbad sannadeedii dastuuriga ahayd.

"Dagaalka waxa abuuray maamulka Puntland oo aan ka gabanin in uu dagaalkaa soo qaado todobbaadkii hore isaga oo waliba hab qabiil u dhaadanaya, waxa uu sheegay in ciidankiisu ka dagaalamayo kana dagaalami doono Laascaanood" ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Waxa uu sheegay in xadka Somaliland yahay mid sharci ah oo la aasaasay 1884, isla markaana anay suuragal ahayn in xad qabiil lagu badalo, isaga oo sheegay in xadka Somaliland ay sameeyeen odayaasha reer Sool iyo odayaasha dhinaca kale, "Maamulka Puntland imika in uu yidha waxa samaynaya xad beeleed mid suurtogalaysa maaha".

Madaxweynuhu waxa kale oo xusay in argagixiso ay dagaalka Laascaanood lug wayn ku leedahay, oo kooxo argagixiso ahi ay 10kii sanno ee laasoo dhaafay laynayeen haldoorka Laascaanood, kadibna shacabka ay u sheegeen in Somaliland dadka laysay.

Waxa uu sheegay in magaalada Laascaanood lagu soo duulay oo la burhuriyay shacabkeediina la qixiyay, isla markaana aanu garanayn cida laga xoraynayo Laascaanood oo xooga ku haysata, isaga oo xusay in Ciidanka Somaliland 15 sanno si nabada ku joogeen.

"Maxa ka socda hada Laascaanood, aad iyo aad ayaanu uga xunahay, wax la eegan karona maaha, waxaanu leenahay dadka reer Laascaanood nabad wax dhaama magaranayo, waxay dadkaasi qoxooti u ahaadana garan maayo" ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Waxa uu sheegay in ka xukuumad ahaan ay garaadada u ogolaadeen in ay yimaadaan gobolka Sool, oo ay ka qaybqaataan nabada, lakiin ay dagaal ku baaqeen, taasi oo uu ku tilmaamay wax laga xumaado.

Garaadada SSC ayaa dhankooda raba in ay sameeyaan maamul ka madaxbannaan Somaliland oo ay Laascaanood madax u tahay, kaasi oo hoos tagi doona dowlada Soomaaliya.