4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 7 , 2023
Dowladda Fedaraalka oo sheegtay iney gacanta ku dhigtay horjoogayaal ka tirsan kooxda Al-shabaab

Axad, May, 7, 2023 (HOL) - Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa shaacisay in ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka oo is iskaashanaya howlgalo qorsheysan ay ka sameeyeen saacadahii lasoo dhaafay degmada Ceeldheer iyo nawaaxigeeda in lagu soo qabtay xubno ka mid ah horjoogayaasha kooxda Al-shabaab.

Howlgalada ayaa la sheegay in ciidamada ay si gaar uga sameeyeen deegaanada kala ah Hul caduur iyo Xalaneey oo ah deegaano hoostaga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

War kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu soo qabtay Saraakiil magacyadooda lagu kala sheegay Cabdi Maxamed, Cali Abgaaloow iyo Maxamuud Calasoow, kuwaas oo la tilmaamay in kooxda ay u qaabilsanayeen qeybta lacagaha gaadiidka safarka ah ee deegaanada Galgaduud isaga kala goosha.

“Dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay waxay ciidanku ku raadjoogeen sedaxdooda kuwaas oo ku dhuumaaleysanayay Deegaanka Hul-caduur” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Saraakiisha ciidanka dowladda ee ku sugan deegaanka Ceeldheer waxay sidoo kale sheegeen in ciidamada ay sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka ah Ururka Al-shabaab ee ku sugan deegaanada gobolka Galgaduud ee maamulka Galmudug.