4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 7 , 2023
Guddoomiyaha barlamaanka Puntland oo fasiraad sharci ka bixiyay muranka wax ka beddelka dastuurka
 

Axad, May, 7, 2023 (HOL) - Guddoomiyaha barlamaanka Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa fasiraad sharci ka bixiyay muranka ka taagan wax ka beddelka dastuurka maamulka Puntland.

Guddoomiye  Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo  la hadlayay idaacaddda VOA, ayaa sheegay in dastuurka Puntland wax laga beddeli karo haddii ay timaado baahi laga marmaan ah.

Inkastoo guddoomiyuhu sidaasi sheegay, haddana wuxuu hadalkiisa sii raaciyay inay jiraan qodobo aan wax laga beddeli karin oo u baahan in loo helo afti dadweyne iyo barlamaan ku yimaada codka shacabka.

Guddoomiyaha barlamaanku wuxuu sheegay qodobada wax laga beddeli karo iyadoo aan loo marin afti dadweyne in ay yihiin, kuwa ka hadlaya arrimaha doorashooyinka, kuwaas oo aya soo jeedin kara xukuumadda ama barlamaanka.

Guddoomiye Cabdirashiid wuxuu sheegay in aanay jirin welwel laga muujiyo arrintaan, isagoo sheegay in barlamaanku arrintaan uu u marayo dariiqa sharciga ah.

Wuxuu sheegay golaha barlamaanku inuu arrintaan go’aan kaga gaaridoono kalfadhigga bisha June u furmayo, halkaas oo ay guddiga loo xilsaaray kasoo talo bixinta furista dastuurka ay warbixin golaha horkeeni doonaan.

Khamiistii lasoo dhaafay golaha wasiiradda Puntland ayaa isku raacay in la furo dastuurka si loo ballaariyo tirada xisbiyada kusoo baxa doorashada, si looga dhigo shan urur siyaasadeed.