4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 6 , 2023
Berbera : Laba will oo dhallinyaro ah oo ku dhintay badda Berbera

Sabti, May, 6, 2023 (HOL) - Laba wiil oo dhallinyaro ah ayaa geeriyooday kadib markii ay liqday badda magaalo xeebeeda Berbera oo ay u dabaal tageen.

Sida uu qof goob jooge ahi u sheegay Galaydh Media, dhallinyarada geeriyootay ayaa ahaa ciyaartoy reer Gabilay ah, oo magaalada Burco kasoo noqday, kadib markii ay kubad lasoo ciyaareen kooxo reer Burco ah.

"Waxay liqday dhallinyaro reer Gabilay ah oo faro badan oo Burco ka yimid, dhowr iyo toban ayay ahaayeen intooda badan way liqday, qaar kood iyaga oo rafanaya oo naftu hayso ayay kasoo baxeen, labana ugu danbayntii way liqday oo raq iyo ruux waa  la waayay".

Ciidamada Badda Somaliland ayaa ku guulaystay in ay soo saaraan maydka mid kamid ah wiilasha badda ku dhintay, waxayna ku howlanyihiin raadinta wiilka kale oo inta laga warhayo aan la helin wali.

Badda magaalada Berbera ayaa aad u kacsan baryahan, waxayna khatar galisay nolosha dadka u dalxiiska taga xiliyada ciida.